Dowlada Qadar oo Somaliya Ugu Deeqday Cagafcagafyo iyo Doomo

0
143

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoomay doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqdaan ay maanta soo gaarsiiyay iyo taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda ay la garab taaganyihiin.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa sheegay in doomaha iyo gaadiidka kale ee maanta dowladdu ka heshay Qatar ay uga faa’iideysaneyso beereaha, adkeynta amniga iyo howlaha kale ee muhiimka ah.