Dagaal Ka Dhacay Degmada Diinoor oo Geystey Qasaaro Isugu Jirta Dhimasho iyo Dhaawac

0
147

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay magaalada Diinsoor kadib khilaaf ka dhashay beddelaad lagu sameeyey maamulkii magaalada oo isku beddelay gacan-ka-hadal sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada guddoomiyihii hore ee Diinsoor iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Amisom.

Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid kadib markii guddoomiyihii hore ee Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow uu diiday xil ka qaadis lagu sameeyey.

Dhanka kale Mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in dagaalka ka dib uu gudoomiyihii hore ee degmada uu isaga baxay magalada isaga oo aan la aqoon halka uu u kicitamay.