Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Sheegay In aan Ciidanka Asluubta Looga Baahneyn Dadka Naafada ah

0
130

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah.

Jeneraal mahad ayaa tan iyo intii xilka loo dhiibaay waxaa uu indho indheyn ku hayey shaqaalaha kala duwan ee k tirsan ciidanka asluubta , waxaana uu dhowr jeer sheegay in qof aan shaqo imaan karin uusan kasii mid ahaan doonin ciidanka aslubta, Taasoo micnaheedu yahay in dad badan ay mishaar been been ah ka qaadan jireen taliska.

Hadalka uu yiri Janaraal Mahad ee ku aadanaa in aan ciidanka looga baahneyn dad naafo ah ayaa waxaa uu ka careysiiyey shaqaale badan oo ka tirsanaa ciidanka asluub oo siyaabo kala duwan naafo u eh.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo inta badan jecel in uu wax walba oo dalkaasi ka dhaca faraha la galo oo arrintaan kaga hadlay Bartiisa Facebooka ayaa sheegay iney ka war sugayaan Madaxda dalka waxay ka yeeli lahaayee hadalka kasoo yeeray Jeneraal Mahad.