Degmada Afgooye Yaa Suldaan ka ah Goormeese la Bedelay Suldaankii Hore?

0
159

Kulan xil wareejin ah oo maalintii shaley ka dhacay degmada afgooye ayaa noqdey mid ka yaabiyey shacabka degmada afgooye kadib markii kulankaasi looga yeeray inuu qudbad ka jeediyey nin la sheegey inuu yahay suldaan degmada afgooye laguna magacaabo suldaan xayir cilimi.

Madasha xil wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa gudoomiyaha cusub ee degmada afgooye, maamulkii hore ee degmada uiyo weliba gudoomiyaha gobolka shabelaha hoose Najax.

Degmada Afgooye ayaad waxaad moodaa in maalinba maalinta kasii dambeysa ay ka baxey faraha taasoo ay si tartiib tartiib ahna ay ula wareegayaan kooxo ka yimid gobolada dhexe ee somaliya ayagoo gacan saar la leh kuwo dantooda gaarka ah ka bidey danta guud ee degmada.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaan eheyn wax ku cusub dhegeha shacabka degmada afgooye in suldaankii degmada oo jooga in dadkii qaxa ku tegey ay sheegtaan iney suldaan ka yihiin degmada.