
Qarax miinooyinka dhulka lagu aaso oo geystey qasaaro aad u badan ayaa maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dadka halkaasi ku sugnaa oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay Goobjoogayaal in qaraxa Miino lala eegtay Gaari ay wataan Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.
KOlkii uu qaraxa dhacay waxaa hakad galey isku socodka dadka iyo Gaadiidka, hayeeshee markii dambe ay dib u furmeen, kadib markii Ciidamada dowladda ay socdaalkoodii sii wateen.
Qaraxyada ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa noqotey mid soo noqnoqtey iyadoo qaraxyadaasi inta badan lala beegsado ciidamada dowlada iyo amisom balse waxaan halkaasi ka marneyn dhibaatada kasoo gaarta dadka shacabka ah ee isticmaala wadadaas.