Madaxweynayaashii Hore ee Somaliya oo Kulan La Qaatay Ugaas Ugaas Xasan

0
207

Wafdigii madasha Xisbiyada Qaran ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Wafdigan oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif xassan Sheekh Aadan ayaa kulan ay la qaateen Ugaas Xassan kala hadlay xaalada guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Ugaaska iyo wefdigan ayaa isla soo qaaday sidii loo dardargalin lahaa gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaadda ee ku barakacay daafaha magaalada.\

Wali waxaa magalada beledweyne ka socda gurmadka kala duwan ee la soo gaarsiinayo magaalada Beledweyne madaama ay madasha Xisbiyada qeyb ka noqonayaan gargaarka socda.