Axmed Madoobe oo Maanta Magalada Kismaanyo Kulan kula Qaatay Madax ka Socota Hay’ada IOM

0
199

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatey Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM ayaa gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta.

Wafdiga ka socdey hay’ada IOM ayaa madaxweynaha u sheegay in ay rabaan sidii loo yareyn lahaa qatarta ay alshabab ku heyso dhalinyarada somaliyeed oo ay maalin walba u isticmaalaan dhibaateynta shacabka.

Waxaa kaloo ay sheegeen in ay haboon tahay in dhalinyarada sida ugu haboon ee lagu qacyi gelin karo lola hadlo si maskaxdooda looga saaro fikradaha qaldan ee ay alshabab ku shubeyso.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa isna sheegay in isla xisaabtan dhab ah ay ku sameynayaan barnaamijkan, cida ka shaqeysa iyo deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya si waxa la qabanayo uu u noqdo mid Soomaalida Anfacaya.