Duulimaadyadii lagu Tegi Jirey Magalada Kismaanyo oo Dib Loo Fasaxay

0
59

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho kaddib codsi uga yimid shacabka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa ku dhawaaqday go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaaliya.

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.