Alshabab oo Maanta Weerar Ku Qaaday Xerada Belidoogle Gudahana U Galay

0
74

Ururka Al-shabaab ayaa goor dhaw shaaciyay in weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhiga ugu weyn gobolka Shabeellaha Hoose ee Ballidoogle, halkaa oo ay degan yihiin ciidamo Mareykan ah iyo kuwa DANAB ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxybaaha qaraxa, kaasi oo la sheegay lagu dhuftay Albaabda laga galo Saldhiga Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee Balodoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rag hubeysan oo Al-shabaab ay gudaha u galeen Saldhiga, isla markaana waxa intaasi kadib bilowday dagaal toos ah oo u dhexeeya kooxdii weerarka soo qaaday iyo Ciidankii Saldhiga ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen juga qarax xoogan,iyadoo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Saldhiga Balli-Doogle oo ay deggan yihiin Ciidanka Mareykanka.