Saraakiil ka Tirsan Alshabab oo Xalay Fiidkii Werar Lagula Beegsaday Duleedka Degmada Awdheegle

0
58

Ciidammada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay in xalay fiidkii ay duqeymo la beegsadeen Saldhigyo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan ayaa Saraakiil ka tirsan Cidiamada Dowladda waxaa ay sheegeen in ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayey iney weeraro ku qaadaan degmada Awdheegle.

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Dowladda in duqeyntan lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka badan 20 oo uu ka mid ahaa hoggaamiye ku xigeenka Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Xasan Jiiroow).

Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in Xasan Jiiroow uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.