Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Booqasho Ku Tegay Magalada Dhusamareeb

0
26

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii dambe ee Isniinta maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb, madaxa xukuumadda Galmudug, wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka, odayaal dhaqameen iyo xubno ka socday qaybaha bulshada.

Socdaalka uu madaxweynaha ku tagey Dhuusamareeb, waxaa ku weheliyay madaxweynaha Galmudug , Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ujeeddada ugu weyn ee madaxweynaha uu u tagey Dhuusamareeb, waxaa lagu sheegay sidii uu usoo xiri lahaa shir-weynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee muddo ka badan toddobaad ka socda Dhuusamareeb.