Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Shegay Inay Qorshe Lagu Sugayo Amniga Magalada Muqdisho La Imaan Doonaan

0
30

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in taliska Booliska ay la imaan doonaan qorshe cusub oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in qorshaha hadda dadka Shacabka ah dhibaato badan ku qabaan, islamarkaana ay furi doonaan Wadooyinka ayna diyaarinayaan qorshe ka duwan Midka hadda uu ku shaqeeyo Booliska Muqdisho.