Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Hirshabeele oo Qarax Lagula Beegsaday Duleedka Degmada Balcad

0
30

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax Khasaare geystay lagula eegtay Duleedka Magaalada Balcad Kolonyo uu hoggaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe.

Qaraxa oo ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso ayaa qabsatay Mid ka mid ah Gaadiidkii la socday Gudoomiye ku xigeenka, waxaana la xaqiijiyay dhimashada Saddex Ruux oo ka mid yahay Wasiir hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye iyo Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Qaraxa ku dhintay ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.