Alshabab oo Isku Deyeya Iney Xeraan Wadada U Dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar

0
33

Dadka ku sugan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar gaar ahaan deegaannada ku dhaw dhaw degmada Balcad soo buuxiyeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gooyeen isku socodka Muqdisho iyo Jowhar iyaga oo si gaar ah u bartilmaameedsaday gaadiidka ay la socdaan mas’uuliyinta maamulka Hirshabeelle, ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Qof ku sugan degmada Balcad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ee soo buuxiyay waddada xiriirisa Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha dhexe adeegsanayaan weerarro toos ah iyo qaraxyo isugu jira miino iyo Qoryaha garbaha laga tuuro oo ay ku bartilmaameedsadaan gaadiidka waddadaasi adeegsanaya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii Al-shabaab ku dhawaad ku dileen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar ilaa 12 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, isla toddobaadkan ayeey Al-shabaab qarax miino loo adeegsaday ku dileen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamul gobolleedka Hirshabeelle.