Dowlada oo Ka Hadashay Odayaal Ay Dhawaan Soo Bandhigeen Alshabab

0
28

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War- saxaafadeed ay ka soo saartay odayaal dhaqameedyo ay dhowaan soo bandhigeen Al-shabaab, kuwaasoo lagu sheegay inay ahaayeen odayaashii soo xulay ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay, Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya. ayaa lagu sheegay in odayaasha ay soo bandhigeen Al-Shabaab aysan aheyn kuwii rasmiga ahaa. Islamarkaana ay yihiin kuwo been abuur ah, kuwaas oo ugeliyey koofiyado iyo cimaamado, ayna qasab uga hadal siiyeen.