Ciidamada Boliiska Puntland oo Nin Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed Dil iyo Aasba Isugu Daray

0
94

Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo deegaan doorashadiisu tahay degmada Awdheegle ee gobolka shabelaha hoose ee maamulka koonfur galbeed somaliya ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii lagu diley islamarkaana lagu aasay muwaadin kasoo jeeda degmada awdheegle gobolka shabelaha hoose ee maamulka koonfur galbeed iyadoo ay dhacdadaasi geysteen ciidanka boliiska maamulka puntland.

Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilka foosha xun oo u ciidamada maamulka puntland u geysteen Axmed Maxamed Xaaji Eenow.

Alaha u naxariistee Axmed Maxamed Xaaji Eenow ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadka kasoo jeeda koonfur galbeed ee u xoogsi tegey magalada boosaaso.

Xildhibaanka ayaa ka Dalbay Madaxweynha Puntland inuu Jawaab Cad ka bixiyo falka foosha xun ee ay ku keceen ciidamada boliiska puntland ee ka howl gala magalada boosaaso.