Qarax Ka Dhacay Agagaarka Saldhiga Degmada Diinoor oo Qasaare Geystey

0
61

Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in meel u dhow Saldhiga degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxaas oo ahaa Miino la dhigay agagaarka Saldhiga booliska ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 4 Ruux oo Shacab ah oo laba ka mid ah ay carruur ahaayeen halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo uu ku jiro taliye kuxigeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada qaraxday ee la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska,isla markaana xilli la doonayay in la kala furo ay qaraxday.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada ku sugan degmada Diinsoor ay sameeyeen dadaalo badan oo ay uga hortagayeen in ay waxyeelo geysato miinadaas,hayeeshee aysan dhicin,waxaana dadka Shacabka ah uu ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.