Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Baladweyne o Ka Horyimid Qorshe ay Damacsaneyd Xukuumada

0
71

Qar ka mid ah Odayasaha & Waxgaradka Magalada Baladweyne oo Maanta halkaasi shir ku yeeshay ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen tallaabo la doonayay in Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabelle lagu geeyo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Shalay gelinkii dambe waxaa Magalada Baladweyne gaaray Saraakiil uu hoggaaminayay Taliyaha qeybta 21aad ee Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee deegaannada Galmudug,kuwaas oo doonayay inay dhuusamareeb kazoo wadaan 300 oo Askari ka tirsanaa Booliska Hir-Shabeelle,sila markaana ay geeyeen Magalada Dhuusamareeb.

Odayaasha dhaqanka Goblka hiiraan oo goordhaw Saxaafada kula hadlay Magaalada Baladweyne ayaa ka soo horjeestay qaadista Ciidamo cusub oo ay dowladda dhaxe amartay in laga raro magaalada baladweyne lana geeyo Magaalada Dhuusmareeb

Odayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay amreen in si deg deg ah ay Magaalada ugu baxaan saraakiisha dowladda ay u soo dirtay qaadista Ciidamadaas oo hadda ku sugan Magalada Baladweyne.

Sidoo kale Odayaash ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku eedeeyeen inay faragelin qaawan ku heyso Shacabka ku nool deegaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan Magalada Baladweyne.