Cabdirahmaan Cabdi-shakuur oo Reysulwasaaraha Ugu Baaqay Inuu Magdhow Ka Bixiyo Dadkii Lagu Laayey Magalada Baydhabo

0
110

Hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxa uu ka hadlay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu ku joogo Magalada baydhabo, isaga oo baaq u culus u diray Ra’iisul Wasaaraha.

Siyaasiga oo ka mid ah siyaasiyiinta dhaliilsan qaabka ay wax u wado Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre looga baahan yahay in uu magdhow ka bixiyo dadkii Sanad ka hor lagu dilay Magalada Baydhabo.

“Raysalwasaaraha waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaan in uu garawshiyo ka bixi, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur”.

Dadka uu sheegay in la dilay ayaa ka mid ahaa dad banaanbax ka dhigayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baaay, kuwaas oo ka careysnaa xarig ay dowladda Soomaaliya u geysatay Muqtaar Roobow.

.