Dib u hishiinta ay beesha caalamka ugu tala gashay koonfur galbeed oo rabta iney hal jufo isu koobto

0
68

Tan iyo intii ka dambeysay qalalasihii ka dhashay doorashadii gacan ku rimiska aheyd ee ka dhacday deegaanada koonfur galbeed waxaa ay keentey in dadkii shacabka ee reer konfur ay kalsoonida kala noqdaan maamulkii halkaasi ay keentey dowlada dhexe ee uu hogaamiyaha ka ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Taasoo keentey in maamulkii halkaasi la keenay uu noqdo mid aan waxba dhaamin maamulkii hore ee uu Shariif Xasan horjoogaha ka ahaa.

Dowladaha reer yurub iyo Mareykanka ayaa kolkii ay garwaaqsadeen waxa magalada baydhabo ka dhacay ineysan doorasho ahayd ayaa waxaa ay qabsadeen kulamo dhowr ah oo ay kaga hadlayaan waxa halkaasi ka dhacay iyo wixii laga yeeli lahaa wexeyna isla garteen sida keliya ee maamulkan loo hagaajin karo in ay tahay in lagu sameeyo dib u habeyn iyo weliba dib u heshiisiin.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale isla gartey in ay arinta ku saabsan dib u heshiisiinta reer koonfur galbeed u wakiishaan urur goboleedka Igad, igadna ay ka ogolaatey iney hormuud ka noqoto howshaas la rabay in lagu xaliyo khilaafaadka ka taagan koonfur galbeed.

Dadaaladii ay waday besha caalamka ayaa ka war helay koox isku magacowdey isbedel doon oo xiligii tartanka madaxtinimada maamulka koonfur galbeed qeyb ka ahaa isla markaana una tanasuley Musharax Mukhtaar Roobow kooxda ayaa waxaa ay u tagtey xafiiska masuuliyiintii beesha Igad ay ku lahaayeen magalada Neirobi waxaana ay isuu sheegeen in ay ka mid ahaayeen musharixintii u taagneyd xilka madaxtinimo ee maamulka koonfur galbeed wexeyna intaasi u raaciyeen iney diyaar u yihiin in ay Igad kala shaqeeyaan sidii xal waara loogu hali lahaa arimaha koonfur galbeed.

Intii ay weli socotey u gogol xaarka dib u heshiisiinta ay rabtey in ay sameyso beesha caalamka ayaa waxaa nasiib wanaag magalada Neyroobi xiligaasi booqasho ku yimid Cabdicasiis Lafta gareen ayada oo muhuumada socdaalkiisa uu ahaa siduu ula kulmi lahaa beesha caalamka isla markaana u weydiisan lahaa dhaqalihii laga jaray in dib loogu soo celiyo.

Cabdicasiis ayaa kolkii uu la kulmay masuuliyiinta beesha caalamka ee ku sugnaa magalada Neyroobi waxaa ay u sheegeen in sida keliya oo ay dhaqaalaha ugu furi karaan maamulka koonfur galbeed in ay tahay in la sameeyo dib u heshiisiin wixii dhacayna la iska xaal mariyo cabdicasiina wuu soo dhaweeyey.

Waxaa dhacday in Igad ay kulan isugu yeertey kooxdii isbedel doonka sheeganeysay iyo Cabdicasiis lafta gareen oo markaasi ku sugnaa magalada Neirobi ayagoo markaasi kulankooda kaga wada Hadley qaabka ugu haboon ee lagu soo afjari karo wixii ka dhacay magalada baydhaba, Gabagabadii kulanka ayaa dhamaantood isla garteen dhowr qodob oo gogol xaar u noqon kara dib u heshiisiinta ay beesha caalamka dooneysay in laga meel mariyo koonfur galbeed, Balse nasiib daro waxaa dhacday in dowlada dhexe ay ka warheshay heshiiskaas isla markiina ay u yeertey in Cabdicasiis uu si dhaqso ah kusoo galo magalada muqdisho taasoo keentey in heshiiskii uu meeshiisa ku burburo.

Hadaba waxaa dhacday in barnaamijkii dib u heshiisiinta ay wadeen beesha calaamka in mar kale dib usoo cusbooneysiyaan ayagoo Igad ugu baaqay in arintii dib loosoo celiyo arimihii ku saabsanaa dib u heshiisiinta reer koonfur galbeed iyo weliba in xal laga helo arinta xariga Mukhtaar Roobow.

Waxaa ayaga dib usoo noolaaday kooxihii isbedel doonka oo ay horboodayaan Yusuf Baadiyoow, Maxamed Adan Farkeeti iyo weliba Xuseen Kushug, wexey fursad u arkeen in arinta dib u hishiinta ay qeyb ka noqdaan ayadoo ula jeedadoodu tahay iney dib u heshiisiinka ka dhigaan meel lagu

Balse dib u hishiisinta ay dooneyso beesha caalamka ma aha mid xukun wadaag ah, Beesha caalamka waxaa ay dooneysaa in dib u heshiisiin sax ah la kala dhex dhigo seddexda gobolka ee ay ka kooban tahay koonfur galbeed dadka ku nool isla markaana xal laga gaaro xariga Mukhtaar Roobow si loo helo nabad iyo horumar, Halka  kooxda isbedel doonkunka ay doonayaan in afartaas shaqsi  iyo lafta gareen in la heshiisiiyo isla markaana halkaasi lagu sameeyo xukun qeybsi, waxaase wax lala yaabo ah inta heshiineysa ee rabta iney masiirka reer koonfur galbeed afduubaan waa 4 wiil oo ilmo adeero ah oo hal meel kasoo wada jeeda.

Hadaba international community, Igad, xukuumada dhexe iyo weliba madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa la gudboon in ay dib u heshiisiinta ka dhigaan mid u dhexeysa dhamaan shacabka koonfur galbeed ee ku nool 3da gobol ee uu maamulka ka kooban yahay, Balse aan lagu koobin in la heshisiiyo shacqiyaad raba iney afduubaan masiirka umada.

Xalku waa in Cadaalad ay wada helaan reer koonfur galbeed

Daafeet Media