Roob Dabeylo Wata oo Xalay Ka Da,ay Magalada Hargeysa

0
56

Illaa saddex qof ayaa ku geeriyooday, 18 qofna way ku dhaawacmeen roob dabaylo wato oo ka da’ay magaalada Hargeysa.

Roobkan ayaa guryo badan jiingadii ka qaaday, halka qaarkood dumiyey, waxa kale oo xalay kala xidhmay wadooyinkii magaaladda la isku soconayey daadadka ka dhashay awgeed.

Madaxweyne Biixi ayaa xalay booqday dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay roobka, waxaanu ka warbixiyey inta uu leeg yahay khasaaruhu isagoo xalay si toos ah uga hadlayey telefishanka dawladda..

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay madaxweynuhu shirkadaha laydhka oo khatar badan ku haya dadka marka uu roobku da’o ay biraha laydhku soo dhacaan, taasna bani’aadanka khatar galin karto, waxaanu arintaasi u xil saaray wasaaradaha ay khuseyso in arrimahaasi laga hortago.