Wasiirka Arimaha Gudaha Oo sheegay In Dowlada Aysan Ka Bixin Heshiiskii Galmudug

0
27

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa isaga oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb waxba kama jiraan ku timaamay hadalkii ka soo yeeray madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ee ahaa in dowladdu jabisay qoddobadii lagu heshiiyay

Wasiirka ayaa warbaahinta u soo bandhigay 10 qoddob oo sida uu hadalka u dhigay dhamaan dowladdu u fulisay sidii loogu heshiiyay, gaar ahaa waxaa uu is dultaagay Wasiir Sabriye qodob ku saabsan isku dhafka ciidamada ka wada qeybqaadanaya sugida Amniga degmada Dhuusa-Mareeb ee keenay in dowladdu ciidamo geyso halkaa.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan qoddobada lagu heshiiyay uu dhinaca Ahlu Sunna u saxiixay hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasare Xassan Cali Kheyre dadaalka uu ku bixiyay deegaannada Galmudug marnaba laga laheyn u jeedo gaar ah, balse looga baahan yahay dadka ku dhaqan deegaanka Galmudug in ay gartaan waxa meesha ku jira, isaga oo dhinaca kale ku amaanay Ahlu Sunna in muddo ku dhan 11 sano iyo ka badan wax badan ka qabteen nabad-galyada deegaannada Galmudug, balse loo baahan yahayin oo kaliya in wada jir loo shaqeeyo.