Maamulka Jubaland oo Maanta Xayiraada Ka Qaaday Masuuliyiintii Gacansaarka La Lahaa Dowlada Dhexe

0
81

Kulan ay maanta magalaada kismaanyo ku yeesheen xubnaha golaha Wasiiradda maamul gobolleedka Jubbaland ayaa xayiraad dhinaca socdaalka looga qaaday mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha maamulka jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa leysku afgartay in la qaado xayiraada la saaray Mas’uuliyiinta Xukuumadda ee ku aadanaa in aanay magaalada Kismaayo imaan karin mudadii ay socotay doorashada.

Maamulka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana mudadii ay socotay doorashada la joojiyay isu socodka badda, cirka iyo dhulka oo magaalada laga xiray.

Khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sabab u noqday inuu hakad ku yimaado wada shaqeyntii labada dhinac, taasoo keentay in laga mamnuuco Kismaayo Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka.