Dowlada Somaliya oo Kasoo Horjeesatey Mooshin Alshabab Loogu Daraayo Liiska Argagixisada Aduunka oo ay Kenya Horboodeyso

0
32

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay si rasmi ah uga horjeedo codsiga ay dowladda Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku aadan in Al-Shabaab si gaar ah loogu daro liiska argagixisada caalamka.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay in aan Al-Shabaab lagu darin Liiska Argagixisadda Caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay dowladda Soomaaliya ay u qaaday tilaabadaasi, maadaama Al-Shabaab ay dagaal culus kula jirto dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa la baacsanayaa, waana laga guleysanayaa. Al-Shabaab lagama guuleysanaayo inta ay haystaan taageero banaanka ah iyo dad og in ay taageeraan iyo kuwa aanan ogayn,” ayuu yiri Baalle.