Fadeexo Warbaahinta Qaranka oo Lagu Eedeeyey Iney Lacago Ku Qaataan Gudbinta Wararka Hey’adaha Qaranka

0
30

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in madaxda warbaahinta Qaranka ay lacago laaluush ah weydiistaan guddiga Doorashooyinka marka ay codsadaan in wararkooda lagu baahiyo warbaahinta Qaranka sida SNTV iyo Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegtay Kulan looga hadlayay “Siyaasadda loo dhan yahay” ee arbacadii, oo ay ka qeyb galayeen inta badan Golaha Wasiirrada, waxa ayna raacisay dhowr jeer la joojiyay wararkooda maadaama aysan lacag u waayeen.

Xaliimo Yareey oo arrintaan ku dheeraatay ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in si degdeg ah wax looga qabto, lalana xisaabtamo madaxda wasaaradda oo ay sheegtay in ay warbaahinta Qaranka u bedeleen sidii shirkad gaar loo leeyahay.