Dowlada Kenya oo ka Hadashay Doorashadii Maalintii Shaley Ka Dhacday Magalada Kismaanyo

0
23

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Kenya aya marka hore waxaa loogu hambalyeeyay dib u doorashadii Madaxweynaha Maamulka jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam, kaas oo doorashadiisa ay shalay ka dhacday Magalada Kismaayo.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka loogu baaqayo inay la Shaqeyso dowlad Goboleedka Jubaland, isla markaana wixii ka dhex-jira ee khilaaf ahna wadahadal lagu wada xaliyo laguna dhameeyo.