Alshabab iyo Ciidamada Dowlada oo Xalay Madaafiic Isku Weydaarsaday Duleedka Degmada Walaweyn

0
49

Wararka naga soo gaaraya degmada walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay qeybo ka mid ah gobolka madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegy in Al-Shabaaby weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga Ciidamada Dowladda lagu tababaro ee Balli-Doogle, islamarkaana ciidamadii halkaa ku sugnaa dhankooda ku jawaabeen madaafiic.

Sidoo kale waxaa ay wararku intaa ku darayaan in madaafiic laga maqlay saldhigyo kale oo ay ciidamada dowladda kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan kuwii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Garoonka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay Saraakiil Mareykan ah ku tababaraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxaana dhowr mar weeraro madaafiic ah ku qaaday Al-Shabaab.