Dowlada Somaliya oo Ka Hortimid Dalab Uga Yimid Gudi Ka Socdey Midowga Africa

0
32

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacanseyrtay dalab uga yimid guddi ka socday Midowga Africa oo codsaday in ay dhageystaan muranka la xiriira badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay dacwada arrintan ku saabsan ay hor taalo maxkamada Cadaallada ee ICJ, islamarkaana jirin sabab ay ku soo dhaxgalaan guddiga socday midowga Africa.

Maxkamada ayaa lagu wadaa in 9-13 bisha September u fariisato dhageysiga wareegii labaad ee dacwada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya,

Wasaaradda ayaa sheegtay in halka ugu danbeeya ee lagu kala baxayo tahay Maxkamada, islamarkaana aysan wax gorgortan ah ka gali doonin.

Kenya ayaa u muuqata in ay cadaadis dhinacyo badan ku saareyso Soomaaliya in ay ka laabato dacwada badda taa badalkeedana wax walba lagu dhameeyo hab wada-hadal ah.