Xildhibaan Cabdullaahi Cosoble oo Sheegay In Xukuumada Diidan Tahay In Muqdisho Maqaam Yeelato

0
48

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka, ahna guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa markale ka hadlay arrinta la’isku hayo ee Maqaamka magaalada Muqdisho.

Cosobole ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay hortaagan yihiin in Muqdisho ay hesho matalaad siyaasadeed, Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay dhegaha ka fureystaan arrinta Maqaamka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in shacabka ay isu soo bixi doonaan, shirkoodana ay qabsan doonaan, ayna ku dhawaaqi doonaan wax ay raalli ka yihiin iyo maamul ay soo doortaan oo ay la xisaabtamaan.

Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa ka mid ah xubnaha si aadka ah ugu ololeeyo in Maqaamkeeda ay hesho magaalada Muqdisho.