Qormadii Adan Ingiriis: Sida Fiyuuska Looga Gubayo Saraakiisha Ciidanka Milateriga Maayland Iyo Musuqa Xafiiska Taliska Xooga Federalka Somaliya.

0
79

Aduunbaaba gabadhyey, gedaafeeyey timaho, gega lagu bulsheeyiyo guud fidhanaya, miyuu wiil geyaan ahi go’dooy maanta joogaa, geeri weeye caydhuye, sow tan laysay gaajadu, nimaad garabka saartiyo miyuu geesi noolyahay, aduunbaa gargooyow webigii Ganaaniyo gal durdura ku yaalloon abaaruhu ku gaarine, gabboodkii dhulkeenaba miyaad geed ku aragtaa, gurma go’anki mooyee aaway lagaama guurine, galoolkiyo maraagii sow kan gooyey jiilaalku, aduunbaaba geenyooy guluf iyo colaad iyo weerar geli karaayoo itaalkaagu gaaray, geestayadu miyuu faras gaashaanqaadi joogaa, sow kan caata gaabshee higsanaaya geeddiga, haddii guunya lala tago miyaa laguu gurmanayaa?

Si aynu u furfurno una fagfagno foorahan kacayba milatariga Villa Somalia sirtiisi faduushan fuskeedu fuuqaystay sidii faruurkii Ber-Bera falkiisi Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland firaaray, annanna suxufiyinteenu nala fogaaday, waxaan markale qormadan aynu idiin kugu soo gudbin doonaa, si la mid ah, sidii horaanba aad inooga barateen midibtakoorka iyo qabyaaladda durugtay dharaar iyo habeenba lagu hayo saraakiisha iyo ciidaanka Maayland ka soojeeda ee ku jira dowlladda dhexe, dhaqankaas bahalnimada ah ee gabi ahaanba baalmarsiisan xeerka seerjitada iyo nidaamka dowlladnimada, taaso ay waqti iyo juhdi dheeri ah ku bixisay soodhiraandhirinteeda warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo mar waliba u taagan inay xaqa ka hadasho, tilmaantana cidda duulaanka ku ah dadka aan duulaanka cidina ku ahayn guryahooda iska jooga loogu dul yimid, laguna dulminayo, oo dhiiggooda gardarada cad lagu daadinayo, si dhulkooda iyo maalkooda nool iyo moodba loola wareego, arrinkaaso qarnigan casriga ah ee 21-naad in lagu sii dhaqmaa, ayan sinnaba suuragal u ahaan karaynin, jirinna, quruun ogolaanaysa dullinimada nuucaasi, mooyee, inay qaataan qaaciddadii Taliyaaniga ahayd xaalatul xaalku kolkay xaajadu marayso ay daliilsan jireen “Vivo O Morto,” nolol, ama, geeri, laalaad maya silic dambe kuu aadamuhu keenay ah san-kuneeflaha hooyo laga soo hoos qaaday, wixiina ka yimaadaan xagga dambe, ooy sayndho iyo kaadi najaasadii.

Sida kabtooda loo soo gashaday saraakiisha iyo ciidanka Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland u dhashay ee ku jira dowlladda federaalka Soomaaliya, oo gaar ahaan xafiiska Ciidanka Xoogga Dalka sida wayn ula dagaalsan, si uunkan marnaba madaxooda kor aysan ugu soo qaadin gudaha mandiqaddan geeska Afrika, waxaa maalmo aan sidaa u dheerayn kahor magaalada Baydhabo ka dagtay Iimaan Elman oo ah gabadha fadhida xafiiska taliyaha Ciidanka Xoogga Federaalka Soomaaliya, u dhalatay Galmudug, ahna miskexda ka dambaysa kala dhilidda iyo gaagaabinta saraakiisha Maayga, una dhiibta mooryaanta ku beesha ah darajooyinka iyo ciidamada lagu dhibaataynayo magaca dowlladda calanka buluugga qaranimada Soomaaliya wada qubaya dhiigga dadyowga webiyada, kuwaaso si isdabajoog ah loogu soo daadinayo gobollada Maayow-Maayga la doonayo in asalkaba la ciribtiro, sifo loogu dhameeyo, loona dhaxlo burwaaqada ku weegaaran sida- cambaha iyo muuska iyo haruurkiyo galleydan cadcad digirtu ku jidho iyo waliba qudraddan meel laga helaa kale aanay jirin nuuceeda, se dadkii iskalahaa inay u dhintaan iska diiddan wali ay asaagoodi dhulkooda ku haysta badankood ay u hoganayaan.

Iimaan Elman kolkii ay Baydhabo ka dagaysay halkudhaggeedu ahaa inay tirakoob ciidanka milatariga qaybta 60-maad ay ku samaynayso, balse qorshaha dhabta ah ay u socotay uu ahaa, in ay milatarigaasi fadhiya Baydhabo, oo awalba horaan Farmaajo u burburiyay, ay sii dhamaystirto jajabintiisa, waxaa ay goobtaasi ku gaagaabisay 24 sarkaal oo u soo calaamadaysnaa, saraakiishaaso dallacaad ay sugayeen, halkii laga dallacsiinlahaa, cagsigeeda ay garaaddooyinkay horay u haysteen ka daadisay, waana taa shaqadii Tiimka Reedoow Reedoow lafdhuungashay awalba meesha loo keensaday.

24-ka sarkaal ay Iimaan Elman gabadha reer Galmudugga reeraheeduna ay magaca tuutaha dowlladda Soomaaliya gobolka Shabellaha-Hoose dhaca iyo kufsiga boobka ka wadaan ku baritaageerayso qalinku, waxaa saraakiishaasi darajooyinkoodi dhulka lala galay ay ka mid ahaayeen ururka xaqudirirka RRA Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, kuwaaso xafladdii 6-dii Juun xuskii ururwaynaha magaalada Baydhabo lagu qabtay sanadkan ka soo qaybgalay, waana halkaasi meesha saraakiishaasi laga soo raacay, oo kor laga soo calaamadaysatay, bacdama qolyaha Maxagi guud ahaantood Iimaan Elman iyo Farmaajo reerahooda ay xasaasiyad daran ka qabaan ururka xaqudririrka RRA, go’aanna ku gaareen mid ah, in ruux kasto dhiig Maaynimo ku jidhaa, madaxa laga kawiyo, sidayba ku khaarajiyeen ganacsadihii waynaa dalka Cali Marguus oo u dambeeyay iyo Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Tarash oo ayaan dhowayd isna la sigay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga qaybta 60-maad ee Iimaan Elman intii Baydhabo ay joogtay madaxa kaga istaagtay mid iyo labo haddaynu ka soo qaadano waxaa ka mid ah sida- 1.Kabtan Xasan Afqorey, 2.Kabtan Black. 3.Kornayl Xasan Isaaq oo ahaa gaashanle sare loo soo celshay 2-xidigle. 4.Kornayl Bishaar Qoromey oo ahaa gaashaanle sare loo soo tuqaantuqeeyay isna 2-xidigle. 5.Kabtan Xasan Maxamuud oo ahaa dhamme loo soo noqay 1-xidigle iyo Kabtan Maxamed Isaaq oo isna dib loo soo fariisiyay darajada 1-xidigle.

Tafaasiil yar haddaynu yara milicsano, qaybtan 60-maad oo janankii dhiigga Maaynimada ay ku jidhay Ibraahin yaro ciidanku wada jeclaayeen aadna ugu qanacsanaayeen hoggaamintiisa san, into lagu qaaday janaaraal maqaarsaar Timacadde lagu baddalay, camiil janaraal Timacadde nafsaddiisu kolkii uu iskudayay inuu dhaqdhaqaaq saantirasha ah uu sameeyo u jahaystay inuu weerar ku qaado Alshabaabka jooga Labaatanjirow iyo aagga Goofguduudyada, waxaa amar culus laga soo siiyay Villa Somalia marnaba inuusan taako gaddin karin, taaso ina tusaysa in Farmaajo iyo Imaan Elman iyo tiimkooda Murugo iyo Macaluul ay si toos ah ula shaqeeyaan shirkadda Sanaacatul Mawdka Alshabaab oo xaqiiqda la doonayo in lagu dabargooyo dadyowga Maayga.

Haddii aynu warkan wax yar isu raacino, milatariga qaybta 60-maad oo ka kooban haatan gobollada Baay, SHabeellada- Hoose iyo Bakool, oo markii janaraalkii geesiga ahaa Maayga Ibraahin Yarow uu joogay la siin jiray mushaarkooda ciidanka min 130 dollaar bishii askarigiiba iyo gunooyinkooda iidaanka, waxaa goortii Timacadde meesha la keensaday qaybta 60-maad Baay iyo Bakool laga jartay gunnadii iyo iidaankoodi, waxaana taasi kolkii ay dhacday baddalkeed dowlladda Ingiriiska ay u garatay in min 100 doollar saabbuun iyo iidaan ah ay ciidanka milatariga qaybta 60-maad la takooray ku taageerto, balse Farmaajo iyo asxaabtiisu Iimaan iyo ay u horeeyaan, waxaa ay ku yiraahdeen qaybta 60-maad inay lacagta iidaanka Ingiriisku uu bixinayo ay ku soo wareejiyaan iyaka, taaso dowlladda Ingiriisku ay diidday, se diiddadii ay UK diidday inay saabuunta ciidaanka ku taageerayso ku wareejido Villa Somalia, ayna Villa Qashin Farmaajo iyo Macaluul goosteen mushaarkii askarta militariga qaybta 60-maad, gaar ahaan kuwa Baay iyo Bakool kaliya, taaso markale aynu ka baran karayno cunsuriyadda guud ahaan Maayland wiilka u dhashay iyo gabadhuba joogadeenan caalamka lagu hayo, ooy takoortaasi ka imanayso Farmaajo iyo Iimaan Elman beelahooda oo shaki la’aan isir ahaan ula dirirsan dadka Maayga ah isirnacayb uu lafahoodu galay waalidiintoodu iyo mushtamac ahaanba lagu soo wada habayo barbaariyay maraan dhowaynba qolyahan Maxagi kursiga dhexe ee Soomaaliya ku kaltamaya labadoodan beelood teeriyo sanaddii 1960-kii waxa lagu sheegay xuriyadda dalka dhaban-buluugleeyda wadnaqabadka hangoolka faraaryahay leh ceegada lagu taagayo cawo iyo ayaanba bulshada masaakiinta Maayga Maayga iyo Soomaalida inteeda kale ay xoolahooguna la iska boobayo haykalleey kastaa dooli ihi kudhaqlaynayso.

Iimaan Elman maalmihii koobnaa ee ay ku sugnayd magaalada Baydhabo shaqada kalo ay qabatay waxaa ka mid ah in taliyihii guutada taliska 60-maad Kornayl Cabdiraxmaan Macalin oo ahaa gaadhaanle sare nin dhiig leh Maay ah hal xidig ay dib uga ridday gaysay darajo ahaan gaashaanle dhexe kana qaadday xilkii uu hayay ee taliyaha guutada taliska 60-maad ayna ku baddashay mid waxmatara yaabiska ku qanacsan la yiraahdo Maxamed Deer, oo waliba isagoo gaashaanle sara ay u soo celisay 2-xiddigle kabtan aan buuxin isagana qanacsan sidaasi gadood aanu samaynahayn, waana kaa oo kale qolyahan Maxagi nuuca ay doonayaan inay ku shaqaystaanoy kuu buunbuuninayaan hadhow, iyado abaanduulaha qaybta 60-maadna raggii dhiifoonaa inta laga eryay laguu geeyay nin isna maqaarsaar Maay ah miskiinimadiisu laga yaabay, ooy aad u soo fiirsheen inuu caanamadaadshe yahay darajadiisu tahay kornayl gaashaanle sare lagu magacaabo Tufow, horaana abbaanduule uga ahaan jiray ururkii joogay ciidanka tababarka Jasiira xera Nac-Nac, oo dushiisu dharku isaga baddaleenooy saraakiil farabadani isagoo taagan meelaha nacfiga leh kaga gudbay bartaa lagu abaadiyay.

Runtii dameer 2 qof fuushantahay ii fansaar malaha, Iimaan Elman kolkii ay magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland ciidanka milatariga joogay ay soo jajabaysay madaxtooyada Tiimka Reedow Reedowna ciidanka Maayga joogay ku amartay in laga soo buriyo laguna baddalay askar qabiilka beesha Farmaajo Caabudwaaq laga keenay iyo Garbahaaray, waxaa ay timid garoonka diyaaradaha Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM), iyado cagta cagta u saaraysa raadkiisuna ay ku joogto liis ay wadatay kuxigeenka ciidanka Danab fadhiya Bilidoogle oo ah sarkaal u dhashay Maayland laga urinayo xaniinyo kuuskuusan laguna magacaabo Kabtan Maxamed Isaaq, kaaso ay Iimaan Elman arkiba la’dahay sarkaalkan doonaysana inay daaqadda kala baxdo, iyado ay la kaashanayso taliyaha ciidanka Danab Bilidoogle haysta lagu magacaabo Jiniqaar oo beel ahaan u dhashay Puntland, tahayna darajadiisu gaashaanle sare, darajadaaso isago iska hooseeya halmar laba dallacaad degdega la iska siiyayo la isugu daray si jumla, maadaama ee uu yahay Lafta-Geela-Badhaan-Nahay beesha guud ee Farmaajo kornayl buuxana garbaguduud laga dhigay.

Dhibaatada barmoosiwaaga halista lugaha kaga limbanaysa saraakiisha Maayland ka haysta xafiiska taliska xoogga, wali haddaynu farta idin ka saarno, si wax badano la idinka qarinayo caddaaladda ka fog aad u ogaataan, waxaa xilka laga xayuubiyay Kornayl Xasan Shaalle sarkaalkii Maaynimada awgeed kartida lahaa haystay ururka Sabiid iyo Caanoole, wiil reer Galmudug ah booskiisi lagu baddalay, si fadhiid looga dhigana urur tabcaan ah busaaraddu ay la dagtay fadhiya Isbitalka Milatariga Xoogga Muqdisho loogu dhiibay, imikadana ururkii uu haystay ee Isbitalka Xoogga laga qaaday xilkaasi si toosa loo fariisiyay.

Waa maxay sababta kornaylkan Maayga ah xilka looga xayuubiyay?
Kornayl Xasan Shaalle oo ay darajadiisu gaashaanle dhexe tahay, watayna ciidaankiisi, waxaa hadda kahor ay si xun isugu dhaceen Liibaan Madaxwayne oo ah ninka reer Galmududgga xaaraanta ku haysta degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM), dabadeed markii kornayl Shaalle ay u cuntami wayday sida xad-gudubka ah nidaamka dowliga aan waafiqsanayn kana baxsan anshaxa askarinimada ee uu Liibaan Madaxwayne dadka deegaanka iska leh Maayga uu ula dhaqmayo wahanka iyo raddidiilada isquuska dhiiggoodu uu edebdarada u qubayo, taaso keentay in ay aad isugu hanjabaanooy aakhirkiina Liibaan Madaxwayne markuu naftiisu u yaabay uu isgaabshay, kadib kolkii kornayl Xasan Shaalle indhaha uu u soo shitay salaantuna ay noqon gaadhay maarta gududuudan ka dhacaysa aakaha afkiisu olola, iyado isgaabintii muddada uu isgaabinayay, ilka abeeso hoosbay ka xiriiraane, Liibaan Madaxwayne in badan uu islaantiisi hore ee Iimaan Elman ka dhaadhicinayay in Kornayl Xasan Shaalle ay “la buusto,” xilkana farsamada qabyaaladda marinkeeda looga tiriyo, taa oo u miradhashay Liibaan Madaxwayne iyo gabadha uu qabi jiray isku beesha ay yihiin hooyadeed ay ka furtay fadhida xafiiska taliyaha Ciidaanka Xoogga Federaalka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay janaraal Indhaqarshe oo ku beel ah Fahad Yaasiinka isna musiibada ah kana tirsnanaan jiray amniyaadka madaxjabinta Alshabaab.

Waxaa xusid mudan in Liibaan Madaxwayne qarbudaadda iyo dhibaatooyinka uu degmada Afgooye ka gaysanayo kolka laga yimaado, uu hadda kahor Yuusuf Cali Indhoole ku dilay Garasbandiire oo u dhow Warmaxan iyo Taxsiile, kaaso u dhashay beesha gudoonkii hore gobolka Shabeellaha-Hoose Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Liibaan Madaxwayne waagii Xasan Shiikh shartiisi inta laga yaabay, waxaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb Galmudug joogto Suufidu, xiligaaso fooddu ay isdareen ururka Ehlu-Sunna oo gacan iyo lug eber kaga soo dhigeen, deetana Itoobiya loo qaaday si loogu soo daweeyo, muddo kadib dib loogu soo celshay magaalada Muqdisho, oo imikadan lug iyo gacan (baralees) dhabankaleel uu ka yahay dunidanba lagu imtixaamay xaqa uu bulshada xalaalquudata ah ka galayay daraaddeed.

Kornayl Xasan Shaalle iyo Liibaan Madaxwayne oo ay isku koorso ahaayeen kana soo wada baxeen dugsi ku yaal dalka Jabuuti, Liibaan Madaxwayne waa kornayl buuxa gaashaanle sare, kornayl Xasan Shaallena waa gaashaanle dhexe, waana taa caddaaladda Villa Somalia taal, oo ka mooryaanka ah shuruucda iyo sharafta tuutaha dowlladnimada ku tuntay dhiigga muwaadiniinta ku maydha xilalka sarsare iyo darajooyinba lagu abaalmarinayo, taa oo ka dhigan in awrkii tuurta laga rari jiray imikadan caloosha laga rarayo.

Geesta kale, Iimaan Elman xaaskii hore ee Liibaan Madaxwayne naagtan ah abeesada dhex fadhida xafiiska taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya loona saanyaday burburinta iyo buusidda saraakiisha Maayland asalkoodu ka soo jeedo ee ka tirsan milatariga Soomaaliya, waxaa in badan iyada iyo baandadeedu isku jufadu yihiin diiraddu ay saarayaan Kornayl Cali Xabbad oo sidaan horaanba u sheegnay sarkaal dhamac kululo Maay ah, waagii dowlladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed (Yeey) mooryaanta Galmudug gabi ahaanba ka soo sifeeyay gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) min Buufow-Bacaadka, Marka iyo Shalanbood, Jannaale, Afgooye, Ceelasha-Biyaha ilaa Siinka-Dheer Ex-kontorool abootadii Isbaarooyinka tii Cusmaan Caato, kaasoo Janaraal Cagey mar uu u dhibay ururka taliska 12-ka April xerada Damaanyo fadhigiisu yahay, islamarkiiba cabsi ay ka qabaan bil gudaheeda xilkii looga qaaday, taasoo qofka Maayga ah wali niyaddiisu ay ku jirto in wax qaranimo la yiraahdo Soomaaliya ka jirtaa inuu sugo ay la mid tahay “dhaan dabagaalle ruux dhacadiid u seexday jilaalka haraadka dhibicda roobaad loo fisho sida dhemaanta,” diindiinkan loo soo koray iyo daabaddan dabadawayn, tahayna inuu ku quus qaato daliilsado “middada daabka laga haayo doqontu waano ugu filan, nin ku dagayna ha u dhicin dhul waligaa.”

ugu dambayntii, haddii warbixinadeeni hore miirqabka idiin kaga xaqabtirnay murugada iyo rafaadka fuskiyo musuqan fuuqfuuqaystay Villa Somalia yaal ka dhanka ah saraakiisha Maayland, ood horaan u ogayd in gobolka Shabeellaha-Hoose JBM 2 guuto kala haystaan laba nino reer Galmudug ah mooryaantooda la kala yiraahdo Xasan Jaamici iyo Laba-Afle, bal haddana ogsoonoow, in guuto kale qarsoon ay jirto dul daggan gobolkan sida shinnida ay cadaawuhu ugu bursan yihiin doolka ah, taaso tirada guutooyinka Shabeellaha-Hoose ku kor tumanaysa tira ahaan ka dhigaysa tiradii hore mid lagu daray, guutada saddaxaad oo waliba ururo badan ka kooban.

Guutadan mayd garaacaysa marasta gobolka oo ku dhowaad 30-kii sanadood aynu soo dhaafnay dadkiisu rafaadka lagu hayay kolba shaati cusub u badan ka dowlladnimada lagu xasuuqayay, waxaa guutadaasi daahsoonayd la yiraahdaa (Guutada 14-ka Oktoobar) oo taliye uu ka yahay Cali Aadan wiil u dhashay Galmudug oo beel ahaan si kale haddaan kuugu dhigo isku jufo ay yihiin taliyaha guutada 30-naad haysta imikadan laguna magacaabo Janaraal Cirfiid.

Ninka haysta guutadan jaqaysa dhiigga dadka gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, ku qarsoonaydna gobolka darajadiisu tahay gaashaanle-dhexe, waxaa ay ururadeedu gobolku ay ka kala daggan yihiin sida:-1.Sabiid, 2.Marka, 3.Bariire iyo 4.Awdheegle.
Ururka fadhiya Sabiid ee guutadan 14-ka Oktoobar, waxaa taliye ka ah sarkaal Maay ah buulo lagu shaqaysto B iyo T toona aanu ahayn sawir darajo loo xirayo salab wata ah, waxaase hawsha ururkan si toos ah gacanta ugu haysta abaanduulaha ururka oo isna u dhashay Galmudug ayna isku jufo hoose wadayihiin taliyaha guutada, halka ururka fadhiya Marka Caddey uu haysto nin Kabtan ah Marka ka soo jeeda oo lagu soo dabajiro si xilkaasi dhowaan looga qaado, iyado ururka salka ku balaadhay Bariirena uu kaaba ka yahay igaar u dhashay Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado.

Dabnahooda ruux gala, ileen way dudumiyaan, dumber waan ka quustay dabaday jiroow amar Alle laakiin!!


By. Ustad Adam Increase