Dhegeyso: Wasiirka Wasaarada Maliyada oo Ka Hadley Deymaha lagu Leeyahay Somaliya iyo Daabicista Lacagta Cusub

0
37

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cabdiraxaan Ducaale Bayle oo Maanta Shir jaraaid Warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadalay arimaha deyn Cafinta Soomaaliya, halka ay marayso ,soo daabicista lacahagaha Shillin Soomaaliga waxa hor hortaagan hantida qaranka oo ka maqan gacanta dowladda ay Wasaaradda Maaliyadda tira koob kusoo sameysay.

Drs Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in arrimaha deyn cafinta dalka ay qaadaneyso kashaqaynteeda muddo afar sano ah,sidoo kalena mudo toban sano ah aysan Soomaaliya soo qaadan karin wax amaah ah ilaa ay iska bixiso misa loo cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Bayle ayaa hadalkiisa intaasi kudaray in soo daabicista lacahagaha Shillin Soomaaliga ah ay u baahan tahay in loo helo lacagtii lagu daabici lahaa taas oo kabadan 42milyan, hayeeshee ka dowlad ahaan haayaan kala bar lacagihii lagu daabici lahaa lacagta Shillin Soomaaliga ah ayna ka go’antahay sidii dadka soomaaliyeed ay ugu soo celiyaan lacagtooda.