War Deg Deg Ah Maamulka Jubaland oo Ku Dhawaaqay In La Xeray Dhamaan Meelaha Laga Soo Galo Degmada Kismaanyo

0
24

Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiir dhanka amniga magaalada Kismaayo maalinta doorashada, iyadoo Kismaayo laga xiray hawada, dhulka, cirka iyo badda, waxaana heegan la geliyay Ciidamada maamul goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ka howlgala Kismaayo.

Guddiga Amniga Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in inta ay socoto doorashadda Amniga si weyn loo adkeyn doono, islamarkaana aysan jiri doonin dhaqdhaqaaqyo.