Dowlada Kenya oo Ka Hadashay Qoraalkii Dhawaan Kasoo Baxay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya

0
28

Dowladda Kenay ayaa shaacisay walaaca ay ka qabto dalabayada kala duwan oo Beesha Calamka kasoo gaaraya doorashada Jubbaland iyo shuruudaha isdaba-jooga ah oo ay farayaan guddiga doorashooyinka in kastoo doorashada loo gacan geliyay Baarlamaanka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka aysan u dhameyn qoraalkii horay uga soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya james swan ee la xiriiray Arrimaha doorashada Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya qoraalkeeda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya aan wax laga weeydiin talada Beesha Caalaamka marka laga reebo dalka Itoobiya oo Wakiilka Qaramada Midoobey uu nuqul ka mid ah u diray Safaaradda Itoobiya.