Dhegeyso Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo Ka Hadley Howlagalada Ka Socda Gobolka

0
56

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay howlgalalda Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danad ay ka wadaaan deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Guddoomiye Najax waxaa uu sheegay in howlgalka uu yahay mid qorsheysan oo ay ciidamadu wadaan, waxana uu Shacbaka Gobolka Shabeellaha Hoose ka dalbaday inay la Shaqeeyaan Ciidamada.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay weli diyaar u yihiin inay howlgallo kale ka fuliyeen Shabeellaha Hoose, isla markaana ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab.