Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta Masjid Ku Dhexyaala Madaxtooyada Kula Tukaday Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada

0
54

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta salaadda Ciidda Carafo kula tukaday qaar ka mid ah masuuliyiinta dowlada Masjidka ku dhx yaala Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.