Wasiir Beyle oo Magalada Washigton Kula Kulmay Qaar Ka Mid ah Qurbo Joogta Dalka Mareykanka

0
42

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho howleed ku jooga dalka Maraykanka ayaa qaar ka mid ah qurba-joogta Soomaaliyeed kula kulmay magaalada Washington DC, isagoo faah-faahin ka bixiyay dadaallada dhaqaale ee ay dowladdu gaadhay iyo waxyaabaha la tiigsanayo.

Wasiir Beyle, wuxuu qurba-joogta Soomaaliyeed ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo dhaqaalaha ay soo diraan, taas oo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee dalka ka jira, wuxuuna intaa ku daray in looga baahan yahay wax qabad intaa kasii badan.

Wuxuu sheegay in aysan jirin cid marti ka ah horumarka Soomaaliya qurba joog iyo dal joog intuba, wuxuuna faray in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dhismaha dalka.

Kulanka wasiirka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo halkaasi soo dhaweyn loogu sameynayey safiirka cusub oo ay dhawaad dowlada federaalka somaliya usoo magacowday dalka mareykanka