Alshabab oo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsab Amisom oo Ku Sugnaa Deegaanka Qalimow

0
60

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Weerarkan oo dhacay subaxnimadii hore ee saakay ayaa lagu waramayaa in lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugnaa deegaan u dhaxeeya degmada Balcad iyo Qalimoow.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in iska horimaadka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa fariisin ka sameystey meel u dhexeysa Qalimoow iyo Balcad halkaas oo hore ay weeraro gaadmo ah ka geysan jireen Al-shabaab.