Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga G Banaadir oo Sheegay In Qarixii Shalay Laga Hagayey Gudaha Xarunta Maamulka Gobolka

0
39

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka, Maxamed Cabdillaahi Tuulax ayaa bannaanka soo dhigay inuu jiro shaki ku aaddan weerarkii ay mas’uuliyiinta ku dhinteen ee galinkii dambe ee Arbacada lagu qaadday xarunta gobolka inay hageysay cid ku jirtay gudaha xarunta.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, waxa uu sheegay inay hadda socdaan baaritaanno ku aaddan sida uu qofka is qarxiyay ku soo galay xarunta gobolka, wuxuuna yiri ” dib ayaa loo raaci doonaa kaamirooyinka”.

Waxaa kalo uu xaqiijiyay in dibadda loo qaadi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo weerarka uu ka soo gaaray dhaawac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka oo dhaawacyo qaba.

Guddoomiyaha gobolka ayaa la sheegay inuu dhaawac daran uu ka soo gaaray qeybaha kore ee jirka oo madaxa uu ka mid yahay iyo caloosha, labo mar ayaana qaliin lagu sameeyay, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka oo ay ku geeriyoodeen toddobo ruux oo kala ahaa saddex guddoomiye degmo, saddex Agaasime iyo la taliyihii dhinaca Sharciga ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.