Maamulka Jubaland oo Sheegay In La Hakinayo Wadashaqeynta Xukumada Dhexe Ilaa Doorashada Ka Dhamaaneyso

0
40

Golaha wasiirrada Jubbaland oo maanta ku shiray magaalada Kismaayo ayaa isla qaatay in la hakiso wadashaqeynta iyo isku socodka Jubbaland iyo xukuumadda federaaalka.

Kullankan oo uu guddoomiyay madaxweynaha maamul-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa ka mid ah kullamadii toddobaad lahaa ahaa ee golaha wasiirrada maamulka.

Golaha wasiirrada Jubbaland ayaa tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaa ay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.

Waxaa kale oo kulanka maanta looga hadlay xaaladaha ammaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha ammaanku ay si adag u sugaan nabadgalyadda muddada lagu jiro howlaha doorashooyinka si ooga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka’.