Dowlada Qadar oo Jawaab Cad ah Ka Bixisay Qoraal Maalintii Shalay Lagu Soo Qoray Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka

0
34

Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin ku saabsan in la helay sir ku saabsan in dowladda Qatar ku lug leedahay qaraxyo ka dhacay Magalada Boosaaso, isla markaana looga gol leeyahay in Imaaraadka uu joojiyo howlaha maalgelinta ah ee uu kawado Puntland.

Hasayeeshee waxaa Warkaasi beenisay Dowladda Qatar, iyada oo sheegtay in Dowladda Qatar yoolkeedu uu yahay abuurida horumar iyo xasilooni, isla markaana warka lagu daabacay Wargeyska New York Times aan waxba ka jirin.

War kasoo baxay Madaxtooyada Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba aysan faragelin ku sameyn siyaasada Arrimaha Gudaha wadamada kale, waxana dowladda Imaaraadka ay ku eedeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya dhaqaalana ku bixineyso.

Sidoo kale Qatar ayaa sheegay in Ganacsade Khalifa al muhannadi oo ah Ninka la sheegay in la dhageystay isaga oo taleefoon kula hadlaya Safiirka Qatar in uusan Wakiil u aheyn Dowladda Qatar, isla markaana baaritaan ay ku sameyn doonaan.