Dhegeyso Xukuumada oo Ka Hadashay Sababta Keentay In Dib u Dhac Ku Yimaado Doorashada Maamulka Galmudug

0
71

July 4 2019 ayaa horey loo qorsheeyey isla markaana ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya in la qabto doorashada hoggaanka Maamulka galmudug, hasayeeshee uu dib u dhac ku yimid Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay waxa sababay dib u dhaca doorashada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mudo bil ah ay dowladda Soomaaliya ku mashquulsan tahay xalinta khilaafyada ka dhex jira Bulshada Galmudug si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.