Ciidamo Itoobiyaan ah Iyo Alshabab oo ku Dagaalamay Deegaanka Yurkut ee Gobolkla Gedo

0
64

Wararka aynu ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu halkaa dagaal ku dhaxmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar Jid gal ah ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya oo ka yimid dhinaca deegaanka Yurkut oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-shabaab markii hore qarax la eegteen ciidamada Itoobiya, kadibna uu halkaa ka bilawday dagaal toos ah oo dhaxmaray labada dhinac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa lala eegtay mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Itoobiya islamarkaana uu jiro khasaro ka dhashay, hasayeeshee aysan jirin cid weli sirasmi ah u xaqiijisay.

Gobolka Gedo waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada tooska ah ee dhaxmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Kenya iyo Al-shabaab.