Faahfaahin Dheeri ah oo Kasoo Baxaysa Qaraxii Maanta Ka Dhacay Wadada Tagta Airporka Aadan Cade

0
114

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaraxii Maanta ka dhacay wadada tagta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee ka leexata Km4 gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa Goobta waxaa ay aheyd mid mashquul badan, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu yaalla goob Barkin ah oo ka mid ah hotelka, waxaana sidoo kale Goobta ka agdhowaa Bar-koontorool oo ciidamada Dowladda ay ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

Waxaa sidoo kale halka uu qaraxa ka dhacay ku yaalla kaalin shidaan oo la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan, waxaana qaraxaasi inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 15 Ruux iyo dhaawaca 19 kale oo qaar ka mid ah ay ahaayeen kuwo u socday xajka oo Maanta diyaarad ku qornaa.

Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas.