Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyey Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Boliiska

0
85

Madaxweynaha Dowlada Federtaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,iyada oo arrintaa lagu sheegay inay ka dambeysay talo soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha Dhallinyarada ah ee la dalacsiiyay;

Mahad Korow (Gaashaanle)
Axmed Qadar (Gaashaanle)
Taliye Mooshin (Gaashaanle)
Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)
Bashiir Durqun (Gaashaanle)
Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)
Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)
Moha Jeego (Gaashaanle Sare)
Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).