Wakiilka Cusub oee Qaramada Midoobey oo ka Digey In Faragelin Lagu Sameeyo Doorashada ka Dhici Doonta Jubaland

0
45

Wakiilka cusub ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa maalintii shalay gaaray magaalada Kismaayo oo sheegay in ay ka doonayaan doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland in ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Mr Swan sidoo kale doorashadiisa ay ka doonayaan in aysan noqon mid dhinac-na laga faragalin isla markana mas’uuliyadeeda ay leedahay dowlad-gobolleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo xildhibaannada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay.

Qorshaha soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid, hasse ahaatee hadda ayaa lagu wadaa in qorshahaasi dib loo bilaabo, iyadoo daba-yaaqada bisha Augusto ee naga soo foolka leh la dooran doono madaxweynaha.

Digniinaha ay jeediyaan beesha caalamka ayaa inta badan xukuumada aysan dheg jalaq u siin digniin noocan oo kale ah ayaa loosoo jeediyey kaloo ay dhaceysay doorashada koonfur galbeed wixii halkaasi ka dhacayna wexey ahaayeen wax ay wada arkayeen kooxihii digniinta bixinayey.