Maxaa Sababay In Wasiiru Dowlihii Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha uu ka Hadli Waayo Qalad uu Wasiirka Ka Galay

0
63

Waxaad mooddaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sagaashameeyadii in nidaamkii dowliga ahaana uu meesha ka baxay ama dadka qaar ay u adeegsanayaan si kafog dowlanimada.

Qaladaad badan ayaa jiray oo ka dhacayay dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka iyo kuwii ka dambeeyay oo ay ugu dambeyso dowladdan madaxweyne Farmaajo.

Balse dad u badan aqoon yahanno bartay cilmiga siyaasadda iyo nidaamka dowliga waxaa la yaab ku noqotay in wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng Cabdullaahi Cali Xasan uu howlihiisa shaqo uu si kusime ahaan ugu sii dhiibo xog-hayaha joogtada ee wasaaradda Cabdicaziiz Ibraahim Aadan.

Waxaa xusid mudan in wasaaraddu aysan laheyn wali wasiir ku xigeen balse ay leedahay wasiiru-dowlo kaasoo aheyd inuu sii hayo xilka tan iyo inta wasiirka uu kasoo laabanayo safarkiisa dibadda.

Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu dhigayaa in haddii uu wasiirka u safrayo dibadda ama uu xanuunsanayo uu howsha wasaaradda sii wado kuxigeenkiisa balse dastuurka meelna uguma xusna in shaqada loo sii dhiibo xog-haye iyadoo wasaaradda ay leedahay wasiiru-dowlo.

Dad badan ayaa u arka in maadaama wasiirka wasaaradda ganacsiga Eng Cabdullaahi dhawaan uu Raysul wasaare Xasan Khayre u magacaabay xilka lagu amray in xog-haya uu shaqada kusii wareejiyo, maadaama Raysul wasaaruhu uu saaxibo si gooni ah ula yahay shakhsiyaad uu rumeysan tahay waxey howlaha u fulin karaan sida uu damacsan yahay.

Warbaahinta Daafeet Media waxey heshay nuqul kamid ah warqadda howlaha shaqo ee wasaaradda loogu wareejiyay agaasimaha joogtada ah oo uu  ku saxiixan yahay wasiirka wasaraadda ganacsiga Eng Cabdullaahi Cali Xasan.

Waxaa sidoo kale dadka qaar ay qabaan in Soomaaliya ay dillootay qabyaaladda iyo eexda sidaa darteed ay suuragal tahay in Raysul wasaare Khayre uu aaminsan yahay xog-hayaha wasaraaradda marka loo eego wasiiru-dowlaha, taasna ay keentay inuu bixiyo amarka.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaanan ka hadlin arrinkan balse dadka falanqeeya siyaasadda waxey aaminsan yihiin in Raysul wasaare Khayre ay haboon tahay inuu ilaaliyo heykalka dowladnimo iyo kala dambeynta si meesha ay uga baxdo nin jecleysiga iyo qabyaaladda.