Dhegeyso Maamulka Somaliland oo Beeniyey In Markabkii Ku Xayirnaa Sacuudiga uu Sii Daayey Reysulwasaare Kuxigeenka

0
35

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta dalka qaarkood waxa ay tebisay in amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya lagu siidaayay Markab sida Xoolo farabadan oo uu ka qaaday dekadda Magalada Berbera,hayeeshee sacuudiga uu ku xayiray dekad ku taalla dalkaas.

Hayeeshee waxaa warkaasi sicad u beeniyay Maamulka Soomaaliland oo sheegay in Markabkaas aan lagu siideyn amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), isla markaana wararka ay baahiyeen Warbaahinta uu yahay mid aan waxba ka jirin.