Reysulwasaaraha Dalka Canada oo ka Tacsiyadeeyey Dilkii Loo Geystey Hodan Naaleeye

0
55

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa ka tacsiyeeyay geerida Hodan Naaleeye iyo seygeeda Jaamac Faarid, wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qoyska.

Waxaa kalo uu tacsi u diray qoysaska dhammaan dadkii ku dhintay weerarkii Jimcihii lagu qaadday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo.
Mar uu sawir ka bixinayay Hodon Naaleeye oo dadkii weerarka ku dhintay ka mid ahayd wuxuu sheegay in ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya isla markaasna geerideeda si weyn ay uga naxeen dadka reer Canada.

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in howsha Hodan Naaleeye ay caddeyn u aheyd saxaafadda xorta ah ee difaaceyso isdhexgalka iyo wada noolanshaha.

Gabagabadii, Justin Trudeau waxaa ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.