Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya oo Maanta Gaaray Magalada Jowhar

0
35

Wefdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray Magalada Jowhar ayada oo halkaasi si wanaagsan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Madaxweyne kuxigeenka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Jowhar kusoo dhoweeyay Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle

Wakiilka ayaa kulan la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiila Howgalka Qaramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.

Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3aad ee uu ku tago Dowlad Goboleed, iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.