Kooxo Isbaarooley ah Isku Heybna ah oo Aroortii Hore ee Maanta Ku Dagaalamay Gudaha Degmada Walaweyn

0
27

Warar aynu ka heleyno degmada Walaweyn ayaa sheegaya in aroortii hore ee saaka uu gudaha magaalada ka qarxay dagaal aad u weyn.

Dagaalkani ayaa la sheegay in uu ka bilowdey jidgooyo ama isbaaro dhex taala gudaha magalada taasoo ay labada dhinacba isku heystaa cidii maamuli laheyd isbaaradaasi.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo labo Maleeshiyo isbaarooley ah oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel.

Isku dhaca ay isku dheceen labada maleeshiyo ee isku heybta ah ayaan eheyn midkii ugu horeeyey ee halkaasi ka dhacay dhowr jeer oo hore maamulka gobolka iyo weli xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka aya isku deyey iney kala dhex galaan labadan maleeshiyo.

illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada kan Gobolka, iyo weliba kan Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi.